Janaraal Tsadkan Gebretensae, Madaxweyne ku xigeenka iyo Xoghayaha Golaha Xukuumadda Nidaamka Kumeelgaarka ee Tigray, ayaa ka digay in dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya “u muuqdo mid aan laga baaqsan karin,” iyadoo diyaar-garowgu uu marayo “qeybihii ugu dambeeya” xili Tigray ay khatar ugu jirto inay noqoto xudunta dagaalka.
“Waqti waliba, dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa qarxi karaa,” ayuu Tsadkan, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogagga Difaaca ee Itoobiya, ku qorey faallo lagu daabacay The Africa Report, isagoo ka digay in colaadda ay ku sii faafi karto Suudaan iyo gobolka Badda Cas. “Tigray waxay doorbideysaa inay ka fogaato nooc kasta oo colaadeed oo ay ka shaqeyso nabad,” ayuu yiri, laakiin wuxuu intaa ku daray in “wadadii nabadda ay soo xirmeyso, taasoo keeni karta in dagaalka uu noqdo dookha kaliya ee haray.”
Tsadkan ayaa sheegay in isbahaysiga u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara uu “si tartiib ah u burburay” tan iyo heshiiska nabadda ee Pretoria, taasoo kordhisa suuragalnimada in dagaal dhaco. “Diyaar-garowgu wuxuu marayaa halkii ugu dambeeyay,” ayuu yiri, isagoo ka digay in “ay adkaan doonto in la xakameeyo” hadii heerarka qaarkood uu gaaro.
Wuxuu Ereteriya ku eedeeyay inay ku dhaqmeyso “dhaqan dawladnimada u xun” iyo inay isku dayayso inay “faragaliso dalalka ku xeeran, gaar ahaan Itoobiya iyo Suudaan.” Wuxuu sheegay in Ereteriya ay Tigray u aragto “caqabadda ugu weyn” ee hortaagan hadafkeeda, wuxuuna ka digay in Asmara ay diyaarineyso dagaal si ay u “dhameystirto waxa Isaias uu ugu yeeray Tekolifna—waan niyad jabnay—kadib heshiiska Joojinta Dagaalka ee Pretoria (CoHA).”
Tsadkan ayaa sidoo kale tilmaamay in kala qaybsanaanta ka jirta Tigray gudaheeda ay sii adkeyn karto xaaladda. “Qaybo ka mid ah TPLF iyo ciidamada kala qeybsan, kuwaas oo doonaya inay difaacaan ficilladooda hore iyo kuwa hadda, waxaa laga yaabaa inay doortaan inay la safteen Isaias,” ayuu yiri. Wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Tigray inay Eritrea u arkaan aalad xukunka looga tuuri karo Abiy Axmed, ka hor inta aysan ugu dambeyntii ka soo horjeedin Eritrea lafteeda.
Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, inuu isku dayayo inuu “ka faaideysto kala qaybsanaanta TPLF” si uu u burburiyo Heshiiska Nabadda ee Pretoria.
Ereteriya ayaa ka beenisay eedeymahaas, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Yemane G. Meskel uu ku tilmaamay inay yihiin “eedeeymo waali ah” oo loogu talagalay “in lagu jiheeyo ajende dagaal lagu raadinaayo.” Ereteriya ayaa sidoo kale ku dooday in dhibaatooyinka gudaha Itoobiya aanan loo saarinin xoogagga dibedda, iyadoo sheegtay in “dhibaatooyinka kala duwan ee gobolka ka jira ay ka yimaadeen Itoobiya.” Sidoo kale waxay diiday in ay ciidamo militari ka joogaan Itoobiya, iyadoo sheegtay in Heshiiska Pretoria uu yahay “arrin quseyso gudaha Itoobiya ah.”
Wararkii ugu dambeeyay ee halkaas ka imaanaya ayaa haatan sheegaya in xoogaga taabacsan Eretria ay la wareegeen goobo muhiim ah taas oo qasbi karto in labada dal ay ka dhax aloosanto xaalad aad u adag.
Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Akhbaar Media ayaa saadaaliyay in saacadaha soo aadan ay macquul tahay in Raiisul Wasaare Abiy Axmad Ali laga yaabo inuu dagaal ku dhawaaqo taasi oo noqon doonto talaabo aad u culus oo Gobolka ku soo kordheysa.