Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweysay ansixinta iyo dhaqan-galka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowladeed iyo xoojinta nidaamka sharci ee dalka.
Xoghayaha Guud ee ururka, Ahmed Aboul Gheit, ayaa bayaan uu soo saaray ku hambalyeeyay hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ansixinta rasmiga ah ee dastuurka, isagoo sheegay in tallaabadan ay xoojinayso aasaaska nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan xukunka sharciga, kala soocidda awoodaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah.
Aboul Gheit ayaa sidoo kale xusay in dastuurka uu door muhiim ah ka qaadan doono adkeynta midnimada qaran ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo kala duwanaanshaha gobollada dalka iyo baahida loo qabo nidaam dowladeed oo hufan.
Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud, Gamal Roshdy, ayaa sheegay in ansixinta dastuurka ay ka tarjumeyso geeddi-socod qaran oo ballaaran iyo dadaallo joogto ah oo ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kor u qaadaya amniga, xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta midnimada qaran iyo horumarinta barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.
Ururka ayaa sheegay in taageeradaasi ay sidoo kale gacan ka geysan doonto xasilloonida iyo nabadda guud ee gobolka.

