Jubbada Hoose, Febraayo 15, 2026 – Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, JISA, ayaa burburiyay afar saldhig iyo warshad qaraxyo oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Degmada Badhaadhe, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland.
Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah ayaa ka dhacay Howdka Fog ee Badda Madow, gaar ahaan deegaanka Lagta Hola-Wajeer, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Jubaland, Maxamed Axmed Sabriye Basaam. Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in howlgalka hawada ka taageerayeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Sida lagu caddeeyay bayaanka, ciidamada ayaa burburiyay saldhigyadii qaraxyada, xarumihii saadka, xarumaha isgaarsiinta, iyo keydadkii hubka ee Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay u adeegsan jireen qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka, isla markaana ay uga duuli jireen deegaanada Jubaland iyo gudaha dalka Kenya.
Wararka rasmiga ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in howlgalka lagu dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal. Ciidamada JISA ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan meydadka 60 ka mid ah dagaalyahannada lagu dilay howlgalka.
Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa qabtay qalab fara badan oo ay ku jiraan in ka badan boqol miinooyin kala duwan, maaddooyin loo adeegsado samaynta qaraxyada, qalabka isgaarsiinta, hub, saanad ciidan, iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgalada kooxda. Warshadda miinooyinka ee la burburiyay ayaa ku taallay dhulka Badda Madow ee u dhaxeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe.
Jubaland ayaa sheegtay in xeryaha la burburiyay laga soo abaabulay weerarkii dhawaan lagu qaaday deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe. Dowladda Jubaland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee ku garab taagan la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoojinta amniga gobolka.

