Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaJubaland oo Ku Dhawaaqday Inaysan Aqoonsan Doonin Natiijada Wax-ka-beddelka Dastuurka

Jubaland oo Ku Dhawaaqday Inaysan Aqoonsan Doonin Natiijada Wax-ka-beddelka Dastuurka

Kismaayo – Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah u shaacisay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda geeddi-socodka wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ku doodaysa in hannaanka socda uusan ku dhisnayn heshiis qaran iyo wadatashi loo dhan yahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kaddib wadatashi ay yeesheen xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ay go’aansadeen in aysan ka qeyb qaadan habraacyada lagu wado wax-ka-beddelka dastuurka.

Jubaland waxay caddeysay in wadiiqada loo marayo dib-u-eegista dastuurka aysan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii hore loogu dejiyay arrintan. Maamulka ayaa tilmaamay in xildhibaannada ku metela Baarlamaanka Federaalka ay si wadajir ah uga maqan yihiin dhammaan fadhiyada iyo habraacyada la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo ay ku micneeyeen in aan si rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo ka soo baxda kulamadaas.

Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in dadka iyo deegaannada ay maamusho aan lagu dhaqi doonin, lagana aqoonsan doonin, go’aan kasta oo hal dhinac ah oo wax looga beddelayo dastuurka haddii aan loo marin wadatashi qaran oo loo dhan yahay.

Maamulka ayaa intaas ku daray in uu diyaar u yahay ka qeybgalka wada-hadal qaran oo lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka, si loo helo hannaan sharci iyo mid siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u fadhiya ansixinta cutubyo ka mid ah wax-ka-beddelka dastuurka, arrintaas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular