Muqdisho — Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u magacawday diblomaasi Justin Davis inuu noqdo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya (Chargé d’Affaires, a.i.), sida ay shaacisay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Khamiistii, January 15, 2026.
Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ujeedadeedu tahay hubinta sii socoshada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Davis ayaa la wareegay hoggaaminta howlaha Safaaradda, wuxuuna noqonayaa wakiilka ugu sarreeya ee Mareykanka ka jooga Soomaaliya inta laga magacaabayo safiir rasmi ah.
Safaaraddu waxay xustay in Justin Davis uu ka shaqeyn doono horumarinta danaha Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo siyaasadda “America First” ee Madaxweyne Donald Trump, taas oo mudnaanta siinaysa amniga Mareykanka, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada.
Magacaabistan ayaa timid kaddib isbeddel uu Mareykanku ku sameeyay hoggaanka diblomaasiyadeed ee dalal ka tirsan Afrika, taasoo keentay in safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya la macsalaameeyo. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeddelkan uusan saameyn doonin joogitaanka iyo howlaha Mareykanka ee Soomaaliya, balse uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda dibadda.
Justin Davis ayaa horey u soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana laga filayaa inuu sii xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta.
Magacaabista Davis ayaa ku soo aadeysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, halka Mareykankuna uu door muuqda ku leeyahay taageeridda dadaallada la dagaallanka Al-Shabaab iyo xoojinta hay’adaha amniga ee dalka.

