Nairobi — Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah ku soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay adkaynta amniga iyo ka hortagga weerarro ay ka cabsi qabto in ay gudaha Kenya ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararka ka imanaya deegaannada xuduudda ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan militariga Kenya, oo wata gaadiid ciidan, la geeyay goobaha ay iska galaan gaadiidka labada dal, isla markaana la kordhiyay askarta ku sugan waddooyinka muhiimka ah. Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in heegan sare la geliyay ciidamada, lana adkeeyay baaritaannada amni ee jidadka isku xira deegaannada xadka.
Kordhinta ciidamadan ayaa timid kaddib kulan uu Madaxweynaha Kenya la yeeshay saraakiisha militariga, sirdoonka iyo booliiska, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga weerarro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan gudaha dalka. Mas’uuliyiinta Kenya ayaa tilmaamay in ujeeddooyinka ugu waaweyn ay ka mid yihiin in la sugo waddooyinka sahayda ee ay isticmaalaan ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Jubbaland, iyo in laga hortago amni-darro ka dhalan karta weerarro xuduudka ka gudba.
Xaaladda amni ee xadka ayaa la sheegay inay weli tahay mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan cabsi ku aaddan suurta-galnimada iska-horimaadyo ka dhaca halkaas. Tallaabadan ayaa imaneysa xilli Al-Shabaab ay horey u fulisay weerarro sababay khasaare kala duwan oo ka dhacay gudaha Kenya, gaar ahaan gobollada waqooyi-bari ee dalkaas.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga xuduudda iyo ka hortagga khatar kasta oo amni oo ka iman karta dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan.

