BAYDHABA – Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay, kadib markii dagaal dhiig ku daatay uu ka qarxay degmada Qansaxdheere, kaas oo u dhaxeeyay ciidamo maamulka taageersan iyo kuwo mucaarad ah oo isku magacaabay “Badbaadada Koonfur Galbeed.”
Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada mucaaradka ay sheegeen inay ka cabanayaan xuquuq la’aan muddo 15 sano ah iyo dib-u-dhac xagga horumarka ah, iyagoo ku guuleystay inay la wareegaan gacan ku haynta degmada Qansaxdheere. Taliyaha ciidanka mucaaradka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Lafta-gareen inuu qabto doorasho degdeg ah, maadaama uu muddo xileedkiisii dhammaaday.
Senator Aadan Cabdinaasir iyo xubno kale oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay hurineyso colaadda, iyagoo sheegay inay dowladda dhexe billowday cunaqabateyn ka dhanka ah shacabka deegaanka. Senator-ka ayaa xusay in tallaabooyinkan ay burburinayaan nidaamka Federaalka, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafyadii hore ee kala dhaxeeyay Puntland iyo Jubaland.
Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo dowladda federaalku ay Muqdisho ugu yeertay saraakiisha ciidanka ee gobollada Bay iyo Bakool, halka Madaxweyne Lafta-gareen la filayo inuu toos ugu laabto Baydhaba isagoo ka imanaya Nairobi. Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo ku aaddan gacan ku haynta Qansaxdheere ee ay lumisay.

