Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaKismaayo oo Martigelinaysa Shirweyne Siyaasadeed oo ay Isugu Imaanayaan Mucaaradka

Kismaayo oo Martigelinaysa Shirweyne Siyaasadeed oo ay Isugu Imaanayaan Mucaaradka

KISMAAYO — Magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ayaa martigelinaysa shirweyne siyaasadeed oo muhiim ah, kaddib markii wafdiyadii ugu horreeyay ee siyaasiyiinta mucaaradka ay maanta gaareen magaaladaas.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah la filayaa in uu furmo maalinta Khamiista, 17-ka Diseembar 2025, islamarkaana uu socdo muddo afar maalmood ah ilaa 20-ka Diseembar. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa dhammaystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo falanqaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaaminta Soomaaliya.

Wafdiga ugu horreeyay ee maanta gaaray Kismaayo waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Madasha Samatabixinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, waxaana garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Ibraahim Oogle, iyo mas’uuliyiin kale. Wasiir Oogle ayaa sheegay in Jubbaland ay si buuxda u diyaarisay amniga iyo martigelinta shirka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shirkan ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama uu yahay kulankii ugu ballaarnaa ee ay muddo dheer kadib si wadajir ah isugu yimaadaan. Waxaa la filayaa in shirka ay ka qeybgalaan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, hoggaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka, madaxda Jubbaland, iyo siyaasiyiin hore xilal sare uga soo qabtay dalka, sida Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble. Madaxweynaha hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lagu darin ka qaybgalayaasha wejiga koowaad.

Inta uu shirku socdo, mucaaradku waxay ka doodi doonaan qorshaha Dowladda Federaalka ee doorasho qof iyo cod ah, wax-ka-beddelka dastuurka, iyo arrimaha la xiriira muddo-kororsi. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa horey u caddeeyay in ay si adag uga soo horjeedaan doorasho aan heshiis lagu ahayn iyo tallaabo kasta oo horseedi karta muddo-kororsi lagu sameeyo hay’adaha dowladda.

Dhanka ammaanka, magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo badan oo Jubbaland ah la dhigay wadooyinka waaweyn si loo xaqiijiyo nabadgelyada wufuudda. Villa Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa si dhow ula soconaya shirka, maadaama go’aannada laga soo saaro ay saameyn ballaaran ku yeelan karaan jihada siyaasadeed ee dalka, xilli ay Soomaaliya ku jirto marxalad xasaasi ah oo kala guur ah.

RELATED ARTICLES

Most Popular