Tuesday, March 17, 2026
spot_img
GurigaWararkaKoonfur Galbeed oo Xiriirka u Jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Koonfur Galbeed oo Xiriirka u Jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Talaado, Maarso 17, 2026.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib baaritaan iyo qiimeyn ay maamulka ku sameeyeen xaaladda guud ee dalka, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay arkeen abaabul ciidan oo ay ku tilmaameen mid lagu wiiqayo midnimada bulshada iyo nidaamka dowladnimo ee heer dowlad-goboleed. Waxa kale oo ay ku eedeeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada federaalka inay si toos ah ugu lug yeesheen arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo maamulka gudaha.

“Kaddib wada-hadallo badan oo aan la yeelanay dowladda federaalka, kuwaas oo aan ku dalbanaynay in la joojiyo faragelinta, waxaa noo caddaatay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin jiritaanka dowladnimada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay inay arkeen hub iyo agab ciidan oo lagu qalabeynayo maleeshiyaad aan la aqoonsan oo ka howlgala deegaannadooda, kuwaas oo ay ku sifeeyeen kuwo ka baxsan nidaamka dowliga ah.

Iyadoo laga duulayo arrimahaas, Koonfur Galbeed waxay ku dhawaaqday inay si buuxda u joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd dowladda federaalka ilaa laga helayo dowlad ixtiraamta nidaamka federaalka.

Go’aankan ayaa ka dhigaya Koonfur Galbeed dowlad-goboleedkii saddexaad ee xiriirka u jara dowladda dhexe, kaddib markii hore ay tallaabooyin la mid ah u qaadeen maamullada Puntland iyo Jubbaland. Ilaa hadda, wax jawaab ah kama soo bixin dowladda federaalka oo ku aaddan go’aankan.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular