Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaKoox Shabaab ka tirsan oo la sheegay inay ku go’doonsan yihiin Ceel...

Koox Shabaab ka tirsan oo la sheegay inay ku go’doonsan yihiin Ceel Baraf

Dadka deegaanka ayaa Akhbar Media u xaqiijiyay in kooxdan tiradooda ay u dhaxeyso 50 ilaa 70 qof, waxaana ay dadka weydiisanayaan in lagu caawiyo taleefano ay kula xiriiraan qoysaskooda iyo eheladooda.

Warar naga soo gaarayo deegaanka Ceel Baraf iyo deegaanadda ku hareereysan ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin koox ka tirsan Al-shabaab oo shalay lagu jabiyay dagaalkii deeganadaas ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa Akhbar Media u xaqiijiyay in kooxdan tiradooda ay u dhaxeyso 50 ilaa 70 qof, waxaana ay dadka weydiisanayaan in lagu caawiyo taleefano ay kula xiriiraan qoysaskooda iyo eheladooda.

“Waxaa aan maqleenay iyagoo qoysaskooda u sheegaya inaysan garaneynin halka ay joogaan iyo jihadda ay horaan ka yimadaan,” waxaa sidaas inoo sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Kooxdan go’doonsan ayaa sidoo kale doonaya sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka inay isku soo dhiibaan laamaha amniga iyagoo qaarkood taleefanada lagu caawiyay kula xiriiriyo dowlada si ay u xaqiijiyaan inay is dhiibayaan.

Xubno sar sare oo ka tirsan maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sidoo kale Akhbar Media u sheegay inay heleen xogta kooxdan go’doonsan ee qorsheyneysa inay isa soo dhiibaan. Waxaa ay sheegeen in la soo dhaween doono balse sida sharciga uu qabo ay mari doonaan habraacyadda loo dajiyay xubnaha ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee isa soo dhiiba.

Maalmihii ugu dambeeyay deegaanadda Hirshabelle waxaa ka soo cusboonaday dagaalo cusub oo Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda ay ku baacsanayeen kooxda Al-shabab oo wali joogo qeybo dhulkaas ka mid ah.

Waxaa ugu dambeeyay dadaal culus oo aroorninadii hore ee shalay ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar kula jarmaadeen fariisimo ciidamada iskaashanaya ay ku lahaayeen agagaarka deegaannada Beera-yabaal iyo Aboorey oo hoostagta degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay dagaalka ka gaartay guullo, iyadoo sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacabka hubeysan ay halkaasi ku laayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

RELATED ARTICLES

Most Popular