Kulan ballaaran oo wadatashi ah ayaa shalay ka dhacay mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen in ka badan 200 oo qof oo ka tirsan beesha Reer AwXasan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray cabashooyin ka dhan ah matalaadda beesha ee heer federaal, gaar ahaan eedeymo loo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Farax Sheekh Cabdulqaadir iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ay si lama filaan ah uga hortageen qabanqaabada kulanka, iyadoo oo ciidanku sheegeen in tallaabadan ay timid kadib markii Wasiir Farax uu ka soo horjeestay in beeshiisa ay yeeshaan kulan wadatashi ah oo lagu falanqeeyo arrimaha matalaadda iyo eexda la sheegay in laga dareemayo xildhibaanka iyo wasiirka.
Waxaa kale oo beesha ay si weyn u dhaliishay qaabka uu Xildhibaan Maxamed Xaaji ku helay kursiga HOP086, iyadoo la sheegay in kursigaas si cadaalad darro ah Muqdisho loo geeyay halkii laga filayey deegaan doorashadiisa rasmiga ah in la geeyo.
Beesha Reer Aw Xasan ayaa sheegtay in kulanada aay sii socon doonaan Waxaana durba bilaabmay kacdoon ballaaran oo looga soo horjeedo masuuliyiinta beesha matala, iyadoo lagu baaqay dib u eegis lagu sameeyo matalaadda beesha ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhawaan ayeey aheyd markii Degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuna caan baxday halgankii lagula dagaallamay kooxda Al-Shabaab, sanadkan laga reebay liiska degmooyinka lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo haatan dalka ka socda. Go’aankan ayaa lagu eedeeyay inuu ka yimid Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, taasoo dhalisay caro iyo niyad jab baahsan.
Waxaa sidoo kale jira eedeymo la xiriira musuq iyo maamul xumo oo loo jeediyay Wasiir Faarax, iyadoo warar aan si rasmi ah loo xaqiijin sheegayaan in uu hantida wasaaradda u adeegsaday dano gaar ah, sida iibsashada guryo raaxo ah oo ku yaalla xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo ninka hadda ku matalo Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliaya ku matala Reer Aw Xassan ee ku fadhiya kursiga Hop 86 ee Maxamed Xaaji Axmed ayaa ku eedeysan inay faragalin toos ah kusameeyeen liiska xubnaha guddiga qaran ee tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Liiskan waxaa horay loo shaaciyey in si hufan loogu tartamayo, nalse Wassiirka Waxbarashada iyo Xildhibaanka ayaa faragaliyay hanaankii daahfurnaanta iyagoo loolanka ka reebay Dr. Cumar Faaruuq Sheikh Cabdicasiis. Dr. Cumar waxaa uu ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya, waxaana uu aqoon aad u xeel dheer u leeyahay Arimaha Waxbarashada, isaga oo sameeyay cilmi baarisyo iyo qormooyin dhaxal gal ah. Aqoonyahankan waxaa ay isku beel yihiin Wasiirka Waxbarashada iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji.
Dr. Cumar ayaa looga reebay tartanka maadaama laga baqayo in uu u tartamo guddoonka Guddiga.






