Saturday, May 17, 2025
spot_img
GurigaWararkaKulanka Golaha Shacabka oo maanta looga hadli doono qodob xasaasi ah ka...

Kulanka Golaha Shacabka oo maanta looga hadli doono qodob xasaasi ah ka dib markii labo fadhi oo hore ay baaqdeen

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo ajandihiisu yahay akhrinta koowaad ee Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD).

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay baaqdeen laba fadhi oo xiriir ah kuwaasi oo aan u qabsoomin sababo la xiriira kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo waayey wado ay usoo maraan Xarunta Golaha kadib markii daadad ka dhashay Roob xoogan oo ka da’ay muqdisho ay jareen Wadooyin muhiim u ah isku socodka Caasimada.

Maanta ayaa la filayaa in kulanka uu si rasmi ah u furmo iyadoo mudanayaashu ay ka doodi doonaan heshiiska muhiimka ah ee IGAD oo saldhig u ah iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Heshiiska IGAD, oo ah mid lagu aas-aasay iskaashi dhanka horumarinta, nabadda, iyo xasiloonida gobolka, ayaa u baahan in Baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyo si rasmi ah si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka sida buuxda uga faa’iideysta barnaamijyada iyo mashaariicda ururkaasi.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay akhristaan qodobada heshiiska, isla markaana ay bilaabaan falanqeyn hordhac ah oo ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo danaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda gobolka.

Kulanka maanta ayaa ah mid si weyn loo sugayay, iyadoo shacabka iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka ay indhaha ku hayaan sida uu Baarlamaanku uga falceliyo heshiiska IGAD iyo doorka Soomaaliya ee ururkaasi.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular