Monday, June 2, 2025
spot_img
GurigaWararkaKuraastii ay ka Geeriyoodeen Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey oo la buuxiyay,...

Kuraastii ay ka Geeriyoodeen Khadiija Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey oo la buuxiyay, yaa ku guuleystay?

Guddiga Doorashada ayaa maanta waxa ay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku qabteen doorashada laba kuraas oo ka banaaneyd Golaha shacabka ayna ka geeriyoodeen Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Seeseey oo labudaba Geeriyooday sanadkii 2023.
Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen in Wiil uu dhalay Xildhibaan hore Seeysey iyo mid la dhashay Khadiija Diiriye ay buuxiyeen Kuraastii ay ka geeriyoodeen Marxuumad Khadiija Max’ed Diiriye iyo Maxmuud Maxamed (Seesey) kadib markii Guddoonka Golaha shacabka uu codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo buuxiyo

War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa waxaa shaaca looga qaaday in Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-da bisha May 2025 ay xarunta baarlamaanka Hirshabeelle ka dhacday doorashada dib u buuxinta kuraasta ka bannaanaatay baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya ee kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada maanta dhacday ayaa waxaa ka soo qeybgaley xubno labada gole ee dowladda ee Hirshabeelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble.

Ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, waxaana Doorashada ay ud hacday hab xasiloon waxaana ku guuleystay musharraxiinta kala ah :
1- Hop097 – Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod.
2- Hop098 – Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo helay 90 Cod.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa Bishii December 2023 ku geeriyootay dalka Jabuuti waxaana ka horeeyay Xildhibaan Seeseey oo isla sanadkaas Bishii March geeriyooday ilaa xilligaasi waxa ay kuraastii ay uga fadhiyeen Golaha shacabka uu ahaa kuwa banaan balse Guddoonka Golaha Shacabka uu dhowaan sheegay in loo baahan yahay in si deg deg looso buuxiyo.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular