Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaLa-Taliyaha Amniga Qaranka oo war kasoo saaray badqabka Madaxweynaha kadib qaraxii…

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo war kasoo saaray badqabka Madaxweynaha kadib qaraxii…

La-Taliye Xuseen ayaa been abuur la buun-buuniyay ku tilmaamay wararka laga faafiyay qaraxan dacaayadda looga sameeyay madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in madaxweynaha uu badqabo kadib qarax barqonimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta xilli uu magaalada Muqdisho ka ambabaxayay madaxweyne Xasan Sheekh ayaan geysan wax khasaare ah, waxaana lagu soo waramayaa inuu ahaa miino la dhigay laamiga dhinaciisa.

La-Taliye Xuseen ayaa been abuur la buun-buuniyay ku tilmaamay wararka laga faafiyay qaraxan dacaayadda looga sameeyay madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda-jiraa safaro uu ugu kuurgalaayo hawlgalada barakaysan oo ay gobalada dalka ka wadaan Ciidanka Xooga Dalka, iyagoo taageero buuxda ka helaaya shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu intaas kusii daray “Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi-gelin karo.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka, si uu garab istaag ugu muujiyo geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka.

Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka, waxa uu u kuurgali doonaa xaaladda ciidamada, isaga oo warbixino ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaamiyayaasha horkacaya dagaalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular