MUQDISHO – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan wadajir ah oo ay yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka.
Fadhiga ansixinta oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo ku dhawaaqay in dastuurka lagu meel mariyay cod aqlabiyad ah.
Wararka laga helay kulanka ayaa sheegaya in wadar ahaan 222 ilaa 223 mudane ay oggolaadeen dastuurka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 185 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 senator oo Aqalka Sare ah. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in codbixinta ay ku dhacday si aqlabiyad leh.
“Saasuu dastuurkii Soomaaliyeed ansax ku yahay. Taariikh sharaf leh ayaad qaaddeen,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe, isagoo ku dhawaaqaya natiijada codbixinta.
Mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka hadlay fadhiga ayaa ku tilmaamay ansixinta dastuurka mid soo afjaraysa marxalad dheer oo ku-meel-gaar ah. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka ee labada Gole, Abuukaate Burhaan Aadan Cumar, ayaa sheegay in ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu soo gunaanaday geeddi-socod dheer oo la xiriira dhismaha dowladnimada iyo kala xadaynta awoodaha hay’adaha federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista iyo La Socodka Dastuurka ee labada Aqal, Xildhibaan Xuseen Iidow, ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku guuleystay dhammaystirka dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, ayaa dhankiisa sheegay in marka la dhammaystiro habraacyada haray, oo ay ka mid yihiin saxiixa Madaxweynaha iyo faafinta rasmiga ah, dastuurka uu si buuxda u dhaqan geli doono.
Si kastaba ha ahaatee, ansixinta dastuurka ayaa imaanaysa xilli qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, sida Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah ay hore u qaadaceen geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, iyagoo ku dooday in uusan ku salaysneyn wadatashi qaran oo loo dhan yahay. Arrintan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaanshaha weli ka taagan arrimaha dastuurka dalka.

