Baydhabo — Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa si faahfaahsan uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo u jeediyay eedeymo culus oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo amniga.
Lafta-gareen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda dhexe ay si joogto ah u carqaladeysay qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada, isagoo xusay in tan iyo sanadkii 2022 ay madaxda maamulladu codsanayeen in loo oggolaado doorashooyin, balse aan la fulin.
“Waxaan codsanay in doorasho la galo, balse waxaa nala yiri waa la mideynayaa,” ayuu yiri Lafta-gareen, isagoo intaas ku daray inuu dhowr jeer u tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb si xal loogu helo arrimaha doorashooyinka, balse aan laga gaarin wax natiijo ah.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay faragelin ku hayso maamulkiisa, taasoo uu sheegay inay halis gelinayso nidaamka federaalka iyo midnimada dalka. Wuxuu tilmaamay in dowladda dhexe ay ku howlan tahay abaabul ciidan iyo hubeyn maleeshiyaad aan ka tirsaneyn nidaamka rasmiga ah.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrimaha dastuurka, isagoo caddeeyay in uu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012, isla markaana wax ka beddel kasta oo aan loo marin habraaca saxda ah uu yahay mid sharci-darro ah.
Lafta-gareen ayaa sidoo kale dhaliilay tallaabooyin lagu joojiyay mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo lagu celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport, isagoo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin, maadaama uu yahay hanti qaran oo ay tahay in si siman loo wada isticmaalo.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku adkeystay in go’aanka ay ku jareen xiriirka dowladda federaalka uu yahay mid dastuuri ah, isagoo ugu baaqay dhinacyada kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan wadahadal iyo xal siyaasadeed oo lagu xalliyo khilaafka jira.

