Muqdisho, 28 Diseembar 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad adag ka hor jeediyay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, isagoo si kulul u cambaareeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ee la xiriira aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada Israel ay tahay mid gebi ahaanba aan la aqbali karin, isla markaana ka hor imaneysa qawaaniinta caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta midnimada dhuleed dalalka xubnaha ka ah. Wuxuu go’aankaas ku tilmaamay “duullaan qaawan” oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
“Tallaabada Netanyahu qaaday waa mid khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamkaba, waxayna dhiirrigelinaysaa xagjirnimo iyo qalalaase,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in arrinta gobollada waqooyi ay tahay arrin u gaar ah ummadda Soomaaliyeed, laguna xallin karo oo kaliya hab sharci iyo wada-hadal gudaha ah.
Madaxweynaha ayaa si cad u adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid dibadda ah oo xaq u leh faragelin ama kala qeybin dhuleed. Waxa uu digniin u diray Israel, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan marnaba oggolaan doonin in saldhigyo ciidan ama dano shisheeye looga fuliyo dhulkeeda.
Dhanka Falastiin, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Soomaaliya ee ah in si buuxda loo diidan yahay ka rarista qasabka ah ee shacabka Falastiiniyiinta, ha noqoto gudaha Soomaaliya ama dal kale. Wuxuu taageeray xal laba-dal ah oo horseeda nabad waarta, laguna dhiso dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay muujiyaan midnimo iyo isku duubni, si loo difaaco madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta qaranka, isagoo sheegay in mowqifka mideysan ee ummadda Soomaaliyeed uu fariin cad u dirayo cid kasta oo damac ku ah kala qeybin dalka.

