Muqdisho — Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaannada hoos yimaada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin wax raad, saldhigyo ama dhaqdhaqaaqyo argagixiso oo ka jira guud ahaan dhulka maamulka. Boolisku waxay sheegeen in muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay—kuwaas oo ay ka muuqdeen dad wajiyada duubtay oo ku andacoonaya inay ku sugan yihiin Laascaanood—ay yihiin been-abuur.
Sida lagu sheegay bayaanka, baaritaan lagu sameeyay muuqaalladaas ayaa muujiyay in si liidata loogu farsameeyay Garaadka Macmalka ah (AI), looguna talagalay sumcad-dil, cabsi gelin bulsho iyo marin-habaabin amni. Boolisku waxay tilmaameen calaamado cad oo muujinaya in muuqaalku uusan dhab ahayn, oo ay ka mid yihiin goob duubis aan ahayn Laascaanood, cod dulsaar ah oo la isu geegeeyey, iyo muuqaallo kale oo internet-ka laga soo jarjaray.
Taliska Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa mar kale adkeeyay in Laascaanood iyo gobollada kale ee maamulka ay ku naaloonayaan nabad, dawladnimo shaqaynaysa iyo horumar muuqda, isla markaana hay’adaha amniga ay si buuxda ugu hawlan yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Ugu dambayn, boolisku waxay ugu baaqeen bulshada inay ka feejignaadaan wararka aan ka imaanin ilo rasmi ah, isla markaana aysan ku degdegin faafinta xogaha been-abuurka ah ee lagu baahinayo baraha bulshada.

