Jimco, Febraayo 13, 2026 – Shirkadda caalamiga ah ee dekedaha iyo saadka ee DP World ayaa ku dhawaaqday in xilka laga qaaday madaxii shirkadda, Sultan Ahmed bin Sulayem, Kadib markii dukumentiyo ay sii daysay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay muujinayeen xiriir hore oo uu la lahaa Jeffrey Epstein, oo ahaa nin Mareykan ah oo lagu helay dambiyo galmo oo ka dhan ah carruurta, fadeexaddiisuna ay si weyn u gilgishay caalamka.
War-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay ayaa lagu xaqiijiyay in Essa Kazim loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Agaasimayaasha, halka Yuvraj Narayan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Kooxda, iyagoo beddelaya Bin Sulayem. Qoraal loo gudbiyay suuqa saamiyada ee Nasdaq Dubai ayaa lagu sheegay in isbeddelkaasi dhaqan-galay isla markiiba.
Sida ku cad dukumentiyada la sii daayay, Epstein ayaa mar ku tilmaamay Bin Sulayem “saaxiib dhow oo qaali ah” isla markaana ka mid ah dadka uu aadka u aamino. Dukumentiyada ayaa sidoo kale muujinaya is-weydaarsi farriimo la xiriira arrimo ganacsi iyo maalgashi. Si kastaba ha ahaatee, Bin Sulayem laguma soo oogin wax dacwad dambi ah, waxaana mas’uuliyiinta Mareykanku caddeeyeen in ku xusnaanshaha faylasha Epstein aanu ka dhignayn in qofkaasi dembi galay.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay sare u kaceen cadaadisyada ka imaanayay la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee shirkadda. Sanduuqa hawlgabka ee Kanada, La Caisse, oo in ka badan 5 bilyan oo doolar ku maalgeliyay DP World tobankii sano ee u dambeeyay, ayaa sheegay inuu hakiyay maalgelin cusub. Sidoo kale, British International Investment, oo maalgashi ku leh afar dekedood oo Afrika ku yaalla, ayaa iyaduna joojisay mashaariic cusub ilaa shirkaddu qaaddo tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo lagama maarmaan ah.
Bin Sulayem oo 69 jir ah ayaa hoggaaminayay DP World tan iyo 2007, wuxuuna sidoo kale ahaa Agaasimaha Guud laga soo bilaabo 2016. Intii uu xilka hayay, wuxuu door weyn ka qaatay koboca Dekedda Jebel Ali iyo ballaarinta shirkadda oo maanta maamusha dekedo ku yaalla meelo badan oo caalamka ah.
DP World ayaa sheegtay in magacaabista hoggaanka cusub ay qayb ka tahay istaraatiijiyad lagu xoojinayo koboca shirkadda iyo kalsoonida daneeyayaasha. Ilaa hadda, Bin Sulayem kama uusan hadlin si rasmi ah arrintan.

