Saturday, May 17, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Axmed Madoobe: Intaan la gaarin yaa Gudomiye iyo Ku Xigeen noqonaya,...

Madaxweyne Axmed Madoobe: Intaan la gaarin yaa Gudomiye iyo Ku Xigeen noqonaya, marka hore Xisbigan la sheegayo intuu ka talin rabaa?

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa si qota dheer uga hadlay qorshe madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ku doonayaan dhismaha Xisbi Siyaasadeed weyn.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn si kulul u dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona xusay inuusan marnaba ka aqbali doonin waxyaabahii uu shalay ka diiday Farmaajo.

“Xasanow waxaan ku leeyahay marka hore is dhageyso oo dhageyso hadaladii shalay iyo kuwa maanta, aniga kaama qaadanayo waxan Shalay ka wada diideynay Farmaajo oo aan soo bax u laheyn” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha inuu la socdo abaabul uu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha Xisbi weyn oo la mid ah kii kacaanka dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo kale.

“Xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed oo kale ayey rabaan inay dhisaan laakiin waxaysan ogeyn in aysan waxbo gacanta ugu jirin, awoodii kacaankana aysan lahayn, xaguu Xibsiga ka shaqeyn oo ay dowladdani gacanta ku haysa, waa iyaga isku haysta guddoomiye aniga ka noqonaya iyo aniga ku xigeen ka noqonaya, Xisbigii kacaanka waxa dhistay dowladda dalka dhan gacanta ku haysay ee kuwan xagey gacanta ku hayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal inuu la galo madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha iyo is mari waaga siyaasadeed.

“Anigu waxaan diyaar u yahay wadahadal inaam la fariisto madaxda dowladda, sidaasna waxaa qaba Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, wadahadal waxaan aheyn oo wax lagu dhameyn karo majiraan, yaa sheegi kara qabiil qabiil kale ka awood badiyay oo dhamaan tirtiray qabiil kale inta dagaalada sokeeye dalka ka dhacayeen, taas waa maya, ee madaxweyne wadahal hadad diyaar u tahay gogosha waa diyaar” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxda dowladda iyo  qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ay wadaan qorshe ay ku dhisanayaan Xisbi Siyaasadeed weyn.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular