HARGEYSA — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa baaq nabadeed u diray dad ku dagaallamay deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee hoos taga degmada Laasqoray, gobolka Sanaag.
Dagaalka oo shalay ka dhacay deegaannadaas ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba beelood. Madaxweyne Cirro ayaa ugu baaqay dhinacyada dirirtu dhex martay in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay xasuusnaadaan xurmada bisha barakaysan ee Ramadaan.
“Waxan ugu baaqaya in ay dagaalka joojiyaan dadka halka isku laayay, waayo dhiiga Islaamka waa la xaraantinimeeyay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro, isaga oo adkeeyay in aan la oggolayn daadinta dhiigga Muslimiinta, gaar ahaan bil ka mid ah bilaha ugu fadliga badan sannadka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay culimaa’udiinka Somaliland in ay door muuqda ka qaataan nabadaynta dhinacyada ku dagaallamay deegaanka Waqdariya, si loo xoojiyo dadaallada lagu soo afjarayo colaadda.
Dhankiisa, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa isna diray baaq la mid ah kan Madaxweynaha, isaga oo sheegay in dagaalku dhexmaray laba beelood, kuna adkeeyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda. Wuxuu xusay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka go’an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal iyo isfaham, isla markaana la dhowro dhiigga, sharafta iyo walaaltinimada bulshada.
Sidoo kale, xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa cambaareeyay dagaalka ka dhacay Shidan iyo Waqdariya, isaga oo sheegay in ay aad uga xun yihiin in bishan Ramadaan uu daato dhiig dad Muslim ah oo walaalo ah. Xisbiga ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay si degdeg ah u kala dhex gasho dhinacyada dagaallamaya, lana abaabulo waayeelka iyo waxgaradka deegaanka si xal waara loo helo.
Kulmiye ayaa intaas ku daray in dagaalku aanu lahayn natiijo wanaagsan, isla markaana uu sii fogeynayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Dhanka kale, Maamulka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay hurinayso colaadda ka taagan deegaanka Waqdariya, iyaga oo ku andacooday in faragelin ka timid Somaliland ay ka dambeyso dagaallada halkaas ka socda. Xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeyntaasi.

