Garoowe — Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay si buuxda uga qaybqaadan doonto gogol wadahadal qaran oo loogu baaqay madaxda dalka, haddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalo qabashada shirkaas oo la qorsheeyay 20-ka bishan.
Madaxweyne Deni, oo hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay dhalinyarada Puntland, ayaa xusay in wadahadalladu ay wax miro ah dhalin karaan oo keliya haddii ay ku dhisnaadaan dadaal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay diyaar u tahay inay keento tabashooyinkeeda oo ay ka dhiibato aragtideeda mustaqbalka Soomaaliya, haddii gogosha wadahadalku noqoto mid furan oo wax ku ool ah.
“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu aqbalo gogoshii loogu baaqay in 20-ka bishan la qabto, Puntland way tageysaa oo aragtideeda way ka dhiibanaysaa; haddii se la diido, horumar kama dhalanayo,” ayuu yiri Deni.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaarkood, kuwaas oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo qaabka maamulka federaalka. Madaxweyne Deni ayaa hore u sheegay in Puntland ay ka baxday nidaamka federaalka ee hadda jira, isagoo ku sababeeyay xadgudub lagu sameeyay heshiisyadii iyo qodobbadii dastuuriga ahaa ee lagu dhisay federaalka.
Si kastaba, Madaxweynaha Puntland wuxuu adkeeyay in go’aannada ay qaadanayso Puntland ay noqon doonaan kuwo ku saleysan sharci, isla markaana ujeeddadoodu tahay ilaalinta midnimada dalka, xuquuqda muwaadiniinta, iyo helidda xal qaran oo waara. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wadahadal qaran oo ay dhammaan saamileyda ka qaybqaataan uu yahay jidka kaliya ee lagu yareyn karo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.

