Hor-dhac
Qormadan waxaay Akhbar Media ku falanqeeyneysaa siyaasi wajiyo badan, Jirjiroole ah, daneeyste mudo badan kusoo caana maalay in hadba meeshii dantiisa ka bidhaanto uu u naq raaco asagoon tixgalin siinin abaal siyaasadeed iyo saaxibtinima qofeed. Magaciisa rasmiga ah Xasan Dhuux Ama Xasan Wacdi lakiin asaga labaxay, magaciisa afgarashadana yahay Abdirahman Xirsi Kulmiye (Abdirahman Dheere)
Cabdiraxmaan Dheere waa nin siyaasadda Soomaaliya si qoto dheer ugu dhex milmay, isagoo marba dhinac la safto si uu uga faa’iideysto xaaladaha siyaasadda ee hadba is badala. Safarkiisa siyaasadeed wuxuu bilaabmay xilli uu dhalinyaro ahaa oo uu ku biiray dhaqdhaqaaqii ururkii Al-Itixaaad, halkaasoo uu si gaar ah ula shaqeeyay Sheekh Xasan Turki—madaxii Raaskambooniyiinta iyo wakiilkii Al-Caaqida ee Gobolka. Xasan Turki wuxuu xiriir dhaqaale la lahaa dowladda Eritrea, waxaan uu Cabdiraxmaan Dheere u noqday gacanyare dhanka maaliyadda ah.
Markii uu Indhacade helay xiriirka Eritrea, Cabdiraxmaan Dheere wuu is rogay oo dhinacaas ayuu u wareegay. Wuxuu mar kale noqday gacanyare, balse markan waxaa uu ahaa Indhacade. Dabeecadda isbeddelka badan ee siyaasaddiisa ayuu markale si cad muujiyay markii uu arkay in isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya shir uga furmay Jabuuti. Isagoo wali la shaqeynaya Indhacade ayuu la xiriiray Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar si uu ugu suurogeliyo inuu gaaro Jabuuti. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu kula kulmay Sheekh Shariif Sheikh Axmed bishii December 2008, hotel Lafweyn ee magaalada Mogadishu, isagoo codsaday kursi beeleed dhanka isbaheysiga ah, wuxuuna helay xil xildhibaanimo—taasoo noqotay tallaabadiisii ugu horreysay ee uu si rasmi ah ugu galo siyaasadda sare.
Mar afaraad, sannadii 2012-kii wuxuu ku xirmay Guddoomiyihii Baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe. Cabdiraxmaan Dheere wuxuu noqday saaxiib dhow oo uu gurigiisa dejiyay. Hase yeeshee, halkii kalsooni laga filayay, wuxuu bilaabay inuu xogtiisa u gudbiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan—oo xiligaas ahaa Wasiirka Maaliyadda, islamarkaana raadinayay booska Guddoomiyaha Baarlamaanka. Khiyaamadaas, Is-xulafaysigaas iyo xog-bixintaasi waxay keentay mooshin ka dhan ah Aadan Madoobe, taasoo keentay in Shariif Xasan noqdo Guddoomiye.
Mar shanaad, saaxiibtinimadiisa Shariif Xasan ayaa sii xoogeysatay wixii ka dambeeyey 2016 markii uu noqday xildhibaan markiisi labaad, wuxuuna noqday xiriiriye u dhexeeya Shariif Xasan iyo kooxda Dam-jadiid ee Xasan Sheekh hogaaminayay. Doorashadii 2012, wuxuu helay xil wasiiru dowle ah. Doorashadii 2016, Cabdiraxmaan Dheere wuxuu taageero ka helay Xasan Sheekh, isagoo Kismaayo kasoo helay kursi xildhibaanimo. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoos ula xiray kooxda Farmaajo, isagoo markaas u sheegay Xasan Sheekh inuu isaga u shaqeynayo. Markii Farmaajo guuleystay, waxaa loo magacaabay wasiiru dowle.
Mar lixaad, wuxuu noqday gacanyare iyo xog-uruuriye u shaqeynaya Fahad Yaasiin. Si dhow ayuu ula shaqeeyay intii uu dalka ka jiray xukunkii Farmaajo. Laakiin guuldaradii Farmaajo kadib, wuu ka tegay Fahad, isagoo si kedis ah ugu biiray garabkii Farmaajo, taasoo ka yaabisay dad badan.
Dad aad ugu dhow Cabdiraxmaan Dheere waxay saadaalinayaan in Farmaajo uusan daacad u ahayn haatan, isla markaana uu hadda qorsheynayo khiyaano cusub oo uu xil sare ku heli karo.
Maxaa Xiga?
Su’aasha ugu weyn ee dad badan isweydiinayaan waxay tahay: Yaa aamini kara siyaasi wajiyo badan leh oo horay siyaasiyiin badan oo aaminay u soo khiyaanay? Madaxweyne Farmaajo-se maxaa la gudboon?