Sunday, June 15, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Guudlaawe oo weerar culus oo afka ah ku qaaday Xildhibaan Xaadoole...

Madaxweyne Guudlaawe oo weerar culus oo afka ah ku qaaday Xildhibaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay fadhiga Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah waxaana uu si weyn ugu amaanay Xubnaha Golaha Barlamaanka ee Hirshabelle sida xasiloon ee ay ku wada sheqeeyeen.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.”

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Xaadoole oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, oo dhawaan eedeyn u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle.

“Nin ku haminayo inuu isbaaro dhigto oo aan Xaadoole aheyn ma jiro, maalinta lagu doortay ilaa iyo hadda waxaa taagan tahay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh inta u dhexeysa, Xildhibaan Xaadoole ka fogow wixii horey laguugu yaqaanay”.

RELATED ARTICLES

Most Popular