MUQDISHO, 17 Febraayo 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku billaabaya wadahadallo uu la yeelanayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo.
Kulanka oo ah mid qado ah oo uu martigeliyay madaxweynaha ayaa ka dhacaya Hotel Decale oo ku yaalla xerada Xalane, sida ay sheegayaan wararka laga helayo caasimadda. Golaha Mustaqbalka ayaa aqbalay casuumaadda qadada, kaddib kulan wadatashi ah oo ay ku yeesheen isla hotelka.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in kulankan uu hordhac u yahay wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, oo ay xubno ka yihiin madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.
Kulanka guud kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, si uu kala hadlo sidii gogol wadahadal loogu dhigi lahaa Madaxtooyada Soomaaliya.
Ajandaha kulanka maanta ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo isu soo dhawaanshaha labada dhinac iyo gogol xaarka shirka arrimaha doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka. Si kastaba, dhinacyadu weli isku fahmi la’ yihiin goobta lagu qabanayo shirka guud, iyadoo Golaha Mustaqbalka ay doonayaan in lagu qabto Xalane, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso Madaxtooyada.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo dhinac walba uga tashanayay qodobada laga wada hadli doono.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo todobaad ah ku sugnaa Muqdisho ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyagoo ka wadahadlay furitaanka wadaxaajoodka u dhexeeya labada dhinac.

