Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladda guud ee gobolka.
Intii uu socday wadahadalku, labada Madaxweyne waxay diiradda saareen xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarka iyo arrimaha ay labada dal dano wadaag ka leeyihiin ee heer gobol.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee Dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo wada-shaqeynta dalalka Afrika.
Wadahadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii dardargelinayso dadaallada ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, si loo adkeeyo nabadda, horumarka iyo kaalinta Soomaaliya ee arrimaha gobolka.

