Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza oo Guddoomiyey Shirka Dowladda iyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza oo Guddoomiyey Shirka Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka

MUQDISHO, 19 Febraayo 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo xubno kale, ayaa maanta guddoomiyey shirka wadatashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo si rasmi ah uga furmay Xarunta Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda, hannaanka siyaasadeed, wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah, gurmadka abaaraha iyo xaaladaha bini’aadannimo, iyo la dagaallanka Al-Shabaab iyo hanjabaadaha amni ee ka jira gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay masuuliyiinta iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo aqbalay gogosha wadatashi ee ay fidisay Dowladda Federaalka. Furitaanka shirka ayaa ku billowday hab maamuus sare, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Dhanka Golaha Mustaqbalka, waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaal hore, iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada ugu adag ee la isku hayo, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, loo gudbin doono doodaha xiga, iyadoo la filayo in kulamadu ay socon doonaan maalmo dhowr ah. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay kulamo gaar gaar ah oo dhex mari doona hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya.

Shirkan ayaa ka qabsoomay Villa Soomaaliya kadib is faham laga gaaray goobta lagu qabanayo, maadaama mucaaradku hore u jeediyeen in wadahadalladu ka dhacaan meel ka baxsan Madaxtooyada. Qabsoomidda shirka ayaa loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo wada tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay inta uu socdo shirka, iyadoo waddooyinka gala Madaxtooyada la xiray si loo sugo nabadgelyada ka qeyb galayaasha. Waxaa laga war dhowrayaa natiijada kasoo baxda wada hadallada, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay indhaha ku hayaan go’aannada laga gaari doono arrimaha masiiriga ah ee dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular