Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Laascaanood

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Laascaanood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tago Laascaanood, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada.

Safarka ayaa la qorsheeyay inuu ku beegmo ka-qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), oo xilka loo doortay 30-kii Agoosto 2025. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in wafdi horudhac ah uu ka amba-bixi doono Muqdisho si uu u diyaariyo soo dhaweynta iyo arrimaha amniga, halka wafdiga madaxweynaha la filayo inuu baxo maalinta Khamiista.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in madaxweynuhu khudbad u jeedin doono baarlamaanka maamul-goboleedka, iyadoo munaasabadda ay ka soo qayb geli doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax ka kala imanaya dowlad-goboleedyada dalka. Sida ay ilo warbaahineed sheegeen, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa la filayaa inay sidoo kale gaaraan Laascaanood, iyadoo la qorsheeyay in shirka golaha wasiirrada uu halkaas ka dhaco.

Haddii uu safarku hirgalo, waxay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Laascaanood tan iyo 1969-kii, markaas oo madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaaarke lagu dilay booqashadiisii ugu horreysay ee magaaladaas.

Laascaanood ayaa ka baxday gacanta Somaliland sannadkii 2023 kaddib dagaallo socday muddo bilo ah. Sannadkii hore, deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa yeeshay maamul-goboleed rasmi ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsatay. Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, gaar ahaan kaddib aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland.

RELATED ARTICLES

Most Popular