MUQDISHO — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u difaacay go’aankii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii iskaashi ee lala galay Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.
Khudbad qaran oo uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay heshiisyada ula gashay Imaaraadka Carabta niyad-wanaag iyo rajo ku dhisan is-ixtiraam dowladnimo. Hase yeeshee, wuxuu xusay in tallaabooyin soo noqnoqday oo aan waafaqsanayn la macaamilka dal madax-bannaan ay dhaawaceen kalsoonidii labada dhinac.
“Marar badan ayaannu ka dalbanay Imaaraadka Carabta in ay Soomaaliya ula dhaqmaan hal dal oo madax-bannaan, isla markaana ay joojiyaan hababka ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna iyaga oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu intaas ku daray in falalkaas ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kaddib qiimeyn dheer iyo tixgelin sharciyeed, dowladda ay ku qasbanaatay inay qaaddo go’aanka lagu baabi’iyey heshiisyadii Imaaraadka, maadaama sii socoshadoodu ay khatar ku ahaayeen qaranimada Soomaaliya. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in go’aanku uusan ka dhignayn diidmo iskaashi caalami ah, balse uu ku saleysan yahay mabda’a ixtiraamka, daahfurnaanta iyo aqoonsiga buuxa ee midnimada dhuleed iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey dareenka waddaniyadeed iyo mideysnaanta ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in dowladdu ay si buuxda u ilaalin doonto danaha guud ee shacabka, isla markaana ay sii wadi doonto xiriir caalami ah oo ku dhisan sharci iyo is-ixtiraam.

