Sunday, March 8, 2026
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalay Xuska 82-Guurada Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qaybgalay Xuska 82-Guurada Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho, December 20, 2025 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xuska 82-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taas oo ka socotay Xarunta Tababarka (Akadeemiyada) Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo leh qiimo qaran iyo xusuus taariikhi ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan, marti sharaf iyo wufuud kale.

Inta ay munaasabadda socoto, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoolatusyo iyo tababbarro ciidan oo muujinaya awoodda shaqo, anshaxa, qalabka casriga ah iyo horumarka uu ciidanku ku tallaabsaday sanadihii u dambeeyay. Sidoo kale, ciidamada ayaa dhageystay khudbado ay jeediyeen Madaxweynaha, Taliyaha Booliiska iyo mas’uuliyiin kale oo goobta ku sugnaa.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 20-kii December 1943-kii, xilli ka horreysay xornimada dalka, wuxuuna tan iyo markaas soo maray marxalado kala duwan oo isugu jira horumar iyo duruufo adag. Xuskan heer qaran ah ayaa ah mid lagu xoojinayo xusuusta taariikhiga ah ee ciidanka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo doorkooda muhiimka ah ee sugidda amniga, kala dambeynta iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

Most Popular