Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii, 27-ka Diseembar 2025, qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo degdeg ah, isaga oo wadatashi khadka taleefoonka ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga iyo Geeska Afrika, iyo sidoo kale Amiirka Dowladda Qatar, si looga arrinsado arrimo la xiriira madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wadahadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al-Thani, isaga oo la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tallaabooyinka lagu tilmaamay inay halis ku yihiin midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Soomaaliya ku leedahay amniga iyo xasilloonida gobolka. Amiirka Qatar ayaa dhankiisa muujiyay garab-istaag mabda’ ku dhisan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista Axdiga Qaramada Midoobay iyo ixtiraamka xuduudaha dalalka madax-bannaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada-tashiyo diblumaasiyadeed oo degdeg ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle; Madaxweynaha Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), William Ruto; Madaxweynaha Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan; iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni. Wadahadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubyo sharci-darro ah oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, kuwaas oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Hoggaamiyeyaasha uu la hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si mideysan u muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xarriiqeen in aqoonsi kasta oo lagu sameeyo dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee ilaalinta midnimada dhuleed, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto wada-tashiyada ay la yeelanayso hoggaamiyeyaasha gobolka iyo caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka sharci, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada dalka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta sharcinimada caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga gobolka, si loo sugo nabadda, xasilloonida iyo amniga Bariga iyo Geeska Afrika.

