Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Bangiga Adduunka, kuwaas oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta mudnaanta leh ee dalka.
Wafdiga Bangiga Adduunka waxaa hoggaaminayay Qimiao Fan, Agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige, iyo Madaxa Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Hideki Matsunaga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xasilloonida dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan horumarinta kaabayaasha waddooyinka, tamarta, iyo isdhexgalka gobollada ee ku jira Hindisaha Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka si loo hirgeliyo isbeddellada dhaqaale ee mudnaanta leh loona xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.
Dhankooda, wafdiga Bangiga Adduunka ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, iyagoo xusay ka go’naanshahooda dib-u-habaynta dhaqaale iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca iyo isku-xirnaanta gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-hadallo joogto ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dardargeliyo horumarka dhaqaale iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.

