Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka si uu hoggaamiyo weerar ka dhan ah maleeshiyadka Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaanahan weeraro u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq ka fulinayay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, iyo Hiiraan.
Madaxweynaha wuxuu gaadhay degmada Aadan Yabaal oo ku taalla bariga Shabeellaha Dhexe. Halkaas, wuxuu kulan kula yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciiddamada Soomaaliyeed.
Aadan Yabaal waa saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin gobolkaas, waxaana halkaas laga maamulaa hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.
Ka dib Aadan Yabaal, madaxweynaha wuxuu hadda tagay Moqokori, halkaas oo uu kula kulmayo saraakiisha Ciidanka Xoogga, oo ay ku jiraan Taliyaha Ciidanka Dhulka, Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle, iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka, si loo dardar geliyo dadaallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa weeraradoodii ugu dambeeyay ee ay fuliyaan waxaa ay dib ugu qabsadeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe kadib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawisleyda.
Si arintaas looga jawaabo, dowladda Soomaaliya ayaa halkaas u dirtay ciidamo badan, iyadoo sidoo kale abaabushay beelaha iyo ciidamadooda deegaanka ee Macawisleyda si ay taageero uga geystaan hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.