Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday La-Taliye Sare oo Dowladiisa ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday La-Taliye Sare oo Dowladiisa ka tirsanaa

Dabayaaqadii 2022-ka ayey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Villa Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka qaaday La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo qoraalka Villa Somalia aan lagu shaacinin wax sabab ah oo cad oo xilka looga qaaday Qoone, waxaa hadane qoraalka laga dheehan karaa nuxur ah in Madaxweynaha uusan ku qancin shaqadiisa ama uu ka soo bixi waayay filashooyinkiisii.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

Dabayaaqadii 2022-ka ayey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Qoone ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay baarlamaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

RELATED ARTICLES

Most Popular