Monday, April 28, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweyne Xassan Sheeikh Maxamuud oo caasumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ruushka...

Madaxweyne Xassan Sheeikh Maxamuud oo caasumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ruushka si uu uga qeyb galo Shirka Moscow iyo Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka u dhaxeeya Dowladda Ruusha iyo Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco magaalada Moscow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Mr. Mikhail L. Bogdanov, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayuu ka guddoomay caasumadda.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka.

Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Butin ayaa ku dhawaaqay inuu ku martigelinayo wadamada Jaamacadda Carabta magaalada Moscow si ay is kula meel dhigaan qadiyadda dhowr ah.

Butin ayaa arrimahaani kala hadlay Madaxweynaha Dalka Cumaan oo booqday magaalada Moscow todobadkii lasoo dhaafay waxaana waxyaabaha miiska saaran qeyb ka ah arrimaha Gaza, Syria iyo Ruushka inuu balaariyo saxiibadda uu kuleeyahay wadamada Carabta.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular