Saturday, June 14, 2025
spot_img
GurigaWararkaMadaxweynihii hore Galmudug oo soo jeediyay qodob DF laga doonaayo inay fuliso...

Madaxweynihii hore Galmudug oo soo jeediyay qodob DF laga doonaayo inay fuliso oo muhiim u ah qabsoomidda shirka Madaxweyne Xassan Sheikh uu ku baaqay

Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay intaan la gaarin 15ka June ee la doonayo inuu dhaco Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in la dhiso guddiyo farsamo oo ka ka socda dhinacyada ay gogosha quseeyso.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in guddiyadaan farsamo ay muhim u noqon doonaan in gogoshu noqoto mid miro dhal ah, loogana gaaro xal waara xaaladaha cakiran ee Soomaaliya ka taagan.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in mar kale uu caddeynayo in ka hor furitaanka shirka, ay lama huraan tahay in la dhiso guddiyo farsamo oo metelaya dhammaan dhinacyada ay khusayso, si ay isula meel dhigaan arrimaha aasaasiga u ah guusha shirkan.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo bandhigay sidoo kale muhiimada ay leedahay in Ajandaha rasmiga ah ee shirka uu noqdo mid wada xaajood laga sameeyo si loogu heshiiyo qodobbada hortebinta leh ee looga baxayo siyaasadda cakiran ee dalka ka jirta.

Ugu dambeyntii waxa uu soo jeediyay in si waqtiga looga faaideysto, aragtiyada iyo mowqifyadana loo mideeyo in ay lagama maarmaan tahay in shirarka la mideeyo oo hal gogol oo loo dhanyahay laga dhigo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isasoo taraayay walaaca laga qabo in markale uu hakad ku imaan doono shirka wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay si go’aano mideeysan looga gaaro arrimaha muranka badan ay ka taagan yihiin sida Dastuurka, Doorashooyinka 2026, ammaanka iyo waxa laga yeelayo Dowlad Goboleedyada maqan ee siyaasad ahaan ay is hayaan Dowladda.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular