Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya la dagaallanka Xuutiyiinta Yaman ay ka qaadi doonaan Sucuudiga, Masar iyo dalalka reer Yurub.
Hadalkan ayaa laga dhex helay wada haddal dhex maray kooxda Amniga ee maamulka Madaxweyne Trump oo xog xaasaasi ah is kula wadaagay App-ka Signal, waxaana xogtan ay banaanka u soo baxday ka dib markii La-Taliyaha amniga qaranka ee Trump uu la wadaagay tafatiraha wargeyska Atlantic, Jeffrey Goldberg, ooah saxafi mug iyo miisan ku leh gudaha Mareykanka.
Haddaba lacagta laga qaadi doonaa dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay tahay lacag loogu ilaaliyay ceelasha shiidaalka, taas beddelkeeddana uu ku khasban yahay in uu lacagta bixiyo, halka reer Yurub iyo Masar laga rabo in ay dib u soo celinayaan kharashka ku baxa.
Guruubka xogtan lagu wadaagayay waxaa ay u muuqataa inay ku wada jiraan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Susie Wiles iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyo mas’uuliyiin kale.
Tifaftiraha guud ee majaladda Atlantic Magazine, ayaa maqaal uu soo galiyay bartiisa Internet-ka waxa uu ku sheegay in ay u muuqato in xogtan si aanan bareer aheyn uu ugu soo diray La-Taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Michael Waltz.
Si kasta oo ay noqotaba, in xogtan ama wadahadaladda xasaasiga lala wadaago qof aanan ka mid ahayn kooxda ay quseeyso ee difaaca qaranka waxay ka dhigan tahay fashilka la yaabka leh ee ku yimid maamulka Trump ee keydinta xogta amniga dalkiisa.
Waxaa sidoo kale hadal heyn badan dhalisay xaqiiqda ah in wada-hadalladani ay ka dhacayeen meelo ka baxsan marinnada dawladda ee sugan ee loogu talagalay isgaarsiinta xogta xasaasiga ah waxaana taasi la sheegay inay xad-gudub ku noqoneyso Sharciga Basaasnimada.
Senatoro, xubno ka tiran aqalka congreska oo labada dhinacba ah iyo siyaasiyiin tiro badan ayaa arintan ka hadlay iyagoo si weyn u dhaleeceeyay maamulka Trump sheegayna in habdhaqankooda dhanka amniga uu khatar weyn galinaayo dalkaasi.
Trump ayaa dhankiisa qirtay in uusan waxba kala socon mar ay weriyeyaal ku sugan Xafiiska Oval Office ay wax ka weydiiyeen sheekada Atlantic, isagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu maqlo.
Aqalka Cad ayaa markaas soo saaray bayaan uu ku difaacayo kooxda amniga qaranka ee madaxweynaha oo uu ku jiro Waltz.
Si kastaba ha ahaatee, Muumulka Trump ayaa wajahaya fadeexddii abid ugu cusleyd, ka dib markii ay dibadda u soo baxeen xoggahan xasaasiga ah, waxaana warar xan ah oo soo baxayo ay sheegayaan in xubno sar sare oo maamulkaas  ka tiran ay is casili doonaan.