Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMareykanka Oo Fududeeyay Cunaqabateynta Saliidda Ruushka

Mareykanka Oo Fududeeyay Cunaqabateynta Saliidda Ruushka

WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u fududeysay qaar ka mid ah cunaqabateynta saaran shidaalka Ruushka, iyadoo oggolaatay in dhoofin gaar ah la fasaxo si loo yareeyo culayska ka dhashay dagaalka Iran iyo kororka qiimaha caalamiga ah ee saliidda.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa 6-da Maarso 2026 ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaaday xayiraado ku saarnaa qaar ka mid ah saliidda Ruushka, isagoo si gaar ah u fasaxay in Hindiya ay iibsato saliid Ruush ah oo ku xayiran maraakiibta badda. Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in oggolaanshahan uu yahay mid ku meel gaar ah, islamarkaana loogu talagalay in lagu yareeyo kororka qiimaha saliidda ee ka dhashay xiisadaha ka jira Bariga Dhexe iyo culayska ka jira suuqyada tamarta caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay sidoo kale saameyn ku yeelan karto wadamada Khaliijka ee soo saara saliidda, maadaama suuqa caalamiga ah uu heli karo sahay kale oo ka imanaysa Ruushka. Wadamada Khaliijka sida Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saara saliidda, waxaana khabiirada tamarta ay tilmaamayaan in ay wajihi karaan tartan cusub haddii sahayda Ruushka ay kordho.

Go’aanka Mareykanka ayaa imanaya xilli xiisaddu ay sii kordhayso kadib dagaalka ka socda Iran, iyadoo Washington ay isku dayeyso in ay yareyso saameynta colaaddaasi ku leedahay suuqyada tamarta, isla markaana ka hortagto in qiimaha saliidda uu si xad dhaaf ah u kaco.

Dhanka kale, Ruushka ayaa helaya fursad uu qayb ahaan ugu soo laabto suuqa caalamiga ah ee saliidda, taas oo ka caawin karta dhaqaalihiisa oo horey u saameeyay cunaqabateynta reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, khubarada dhaqaalaha ayaa sheegaya in tallaabadan ay sidoo kale abuuri karto cadaadis cusub oo ku wajahan wadamada Khaliijka, maadaama macaamiil qaarkood ay dooran karaan saliid Ruush ah oo qiimo jaban marka loo eego tan ay soo saaraan dalalkaas.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular