Muqdisho — Howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay laba horjooge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaddib howlgallo bartilmaameed ah oo 10-kii December ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ahaa Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi, oo naanaystiisu ahayd Qoorleex. Labadan xubnood ayaa lagu tilmaamay inay ka mid ahaayeen maskaxda iyo hoggaanka hawlgallada khatarta ah ee kooxda.
Injineer Ismaaciil ayaa ahaa mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan Al-Shabaab, isaga oo gacanta ku hayay abaabulka qaraxyada, hoggaaminta maleeshiyaadka ay kooxda u taqaan Amniyaadka, iyo qeybta marin-habaabinta warbaahineed ee Al-Kataaib. Hay’adaha amniga ayaa sheegay in uu ka mid ahaa shaqsiyaadka sida gaarka ah loo doon-doonayay, iyadoo madaxiisa la saaray abaalmarin lacageed oo gaareysay shan milyan oo doollar.
Sida lagu sheegay wararka amniga, Injineer Ismaaciil wuxuu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii weynaa ee dhacay 14-kii Oktoobar, iyo weerarro kale oo badan oo lagu beegsaday shacabka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.
Dhanka kale, Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex) ayaa isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta ee Al-Shabaab, waxaana si gaar ah loogu xil saaray isku-duwidda hawlaha kooxda ee deegaannada Jubbooyinka, sida ay sheegeen ilaha amniga.
Howlgalkan bartilmaameedka ah ayaa hay’adaha amniga ku tilmaameen mid si guul leh u dhacay, isla markaana si weyn u dhaawacay awooddii iyo qorshayaashii Al-Shabaab, iyagoo xusay in la soo afjaray halis amni oo ay horjoogeyaashan muddo dheer ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

