Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMaxaa Hortaagan Qabsoomidda Shirka Dowladda iyo Mucaaradka?

Maxaa Hortaagan Qabsoomidda Shirka Dowladda iyo Mucaaradka?

Muqdisho, Febraayo 15, 2026 – Shirka la filayay inuu dhex maro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay marxalad dib u dhac iyo jahwareer siyaasadeed, iyadoo arrimo isbiirsaday ay caqabad ku noqdeen qabsoomidda kulanka.

Warar hoose ayaa tilmaamaya in dib u dhaca uu si dhow ula xiriiro dadaallada dowladda ee ku aaddan dhameystirka iyo wax ka beddelka dastuurka, arrin si qoto dheer uga socota Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in isbeddelka dastuurka uu saameyn ku yeesho ajandaha shirka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Khilaafka ugu weyn ayaa ka taagan goobta lagu qabanayo kulanka. Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa in shirka lagu qabto xarunta Madaxtooyada, halka mucaaradku ay dalbanayaan in lagu qabto xerada Xalane, oo ay ku tilmaameen meel dhexdhexaad ah isla markaana amni ahaan lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale, kalsooni darro siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac ayaa la sheegay inay adkeyneyso in la helo jawi wadahadal oo wax ku ool ah. Kala aragti duwanaanta ku saabsan qodobada mudnaanta leh ee shirka looga hadli doono ayaa iyaduna ka mid ah caqabadaha jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan Itoobiya, ayaa maqnaanshihiisa lagu tilmaamay mid saameyn ku yeeshay jadwalka shirka, iyadoo aan weli la shaacin taariikh rasmi ah oo kulanka dib loogu qabanayo.

Dhanka kale, Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Xadaana, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in ummadda Soomaaliyeed ay meel isugu timaado si arrimaha taagan xal waara looga gaaro. Wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu hoggaaminayo wadahadallada, islamarkaana uu wado kulamo gaar gaar ah oo uu la yeeshay siyaasiyiin kala duwan, oo ay ku jiraan madaxda Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in guddiga loo xil saaray qabanqaabada shirka uu wali shaqadiisa wado, hase yeeshee haddii ay soo baxaan caqabado aan xal loo helin, madaxweynuhu uu diyaar u yahay inuu farageliyo si arrinta loo dhameeyo.

Dib u dhaca ku yimid shirkan ayaa muujinaya heerka kala fogaanshaha siyaasadeed ee weli u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyadoo indhaha lagu hayo dadaallada socda ee lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular