Warar hoose oo ay heshay Akhbaar Media ayaa sheegaya in Duqayn habeenadii la soo dhaafay ka dhacday deegaanka Ceelbacad oo ka tirsan Shabelledda Dhexe waxyeelo lagu gaarsiiyay horjooge Yussuf Sheekh Ciise oo loo yaqaano Kabakutukade oo Al-Shabaab u qaabilsan Shabeeladda Dhexe.
Wararkan ma aysan xaqiijinin in dhibka soo gaaray Yussuf Kabakutukade uu yahay dhimasho ama dhaawac.
Waxyaabaha keenay shakiga dhimashada waxaa ka mid ah kulamo uu hore u ballan qaaday in uu ka qeyb gali doono ayaaa la sheegay in laga waayay, sidoo kale telefono badan ayaa la soo wariyay in uu ku hadlaaayay maalmihii ka horeeyay duweymahan taas oo dhalisay shakiga ah in si fudud lagu ogaaday halka uu ku sugnaa.
Haddii ay xaqiiqo tahay in horjoogahaas geeriyooday, waxaa ay ka dhigan tahay in Ururka Al-Shabaab uu soo gaaray khasaare wayn waliba xilli xasaasi ah oo dagaalo iyo duqeymo culus lagu wado.
Waxaa ay si gaar ah arintan saameyn xun ugu yeelan doontaa howlagalada Shabaab ay ka wadaan Shabeeladda Dhexe oo ah halka uu maamulo hadda Yussuf Kabakutukade.
Dhanka kale, waxaa horay loo xaqiijiyay dhimashada horjooge kale oo lagu magacaabayay Yussuf Dhaganaas kaas oo isagana kooxda dhaxdeeda aad muhiim uga ahaa. Waxaa isagana lagu dilay Duqayn ka dhacday Ceelbacad isbuucii hore.
Ururka Al-Shabaab waxaa haatan ku socda weerar Dhanka cirka iyo dhulka ah oo duqayn ah iyo weeraro toos ah kuwaas oo lagu waxyeeleeyay boqolaal meleeshiyaad ah oo ku sugan deegaano kala duwan.