Sunday, June 15, 2025
spot_img
GurigaWararkaMaxaa looga hadlay Kulanka Hogaamiyaha SSC-Khatumo iyo Danjiraha Nowray?

Maxaa looga hadlay Kulanka Hogaamiyaha SSC-Khatumo iyo Danjiraha Nowray?

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa magaaladda Muqdisho u joogo in markiisii ugu horeysay uu si rasmi ah uga qeyb galo Shirka NCC.

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed AW-Cali, oo Magaaladda Muqdisho ku sugan ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay ku-simaha Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya, Carsten Carlsen.

Sida ay baahisay madaxtooyadda SSC-Khatumo, kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabad-dhiska, horumarinta siyaasadeed, barnaamijyada xasillinta, iyo iskaashiga mustaqbalka ee u dhexeeya labada dhinac.

Kulankan ayaa la sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada SSC-Khaatumo ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta deegaannada ay mas’uulka ka tahay.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaaladda Muqdisho u joogo in markiisii ugu horeysay uu si rasmi ah uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee NCC kaas oo lagu wado in barito uu furmo.

Firdhiye iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dalka Muqdisho. Hoggaamiyaha iyo waftigiisa ayaa waxa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Masuuliyiinta Golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka soomaaliyeedba soodhawaynta balaadhan ee ay usameeyeen, isagoona ka qaybgali doona Madasha wadatashiga Qaran isla markaana kulamo la qaadan doona Daneenayaasha Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Most Popular