Thursday, June 5, 2025
spot_img
GurigaWararkaMaxaa looga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee...

Maxaa looga wada hadlay kulankii Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ka dhacay Jabuuti?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen arrimo quseeya xiriirka labada Dowladood iyo ammaanka Gobolka.

Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti, waxa ay labada mas’uul ay kawada hadleen, arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha xaaladda gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxa uu Ra’iisul wasaare Xamsa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti. isaga oo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular