Monday, May 19, 2025
spot_img
GurigaWararkaMaxaan ka ognahay ilaa haataan duqeymo iyo dagaalo ka dhacay degmada Aadan...

Maxaan ka ognahay ilaa haataan duqeymo iyo dagaalo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa duqeymo culus lagu beegsaday gudaha degmadaasi, gaar ahaan goobo la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad iyo fadhiisimo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degmada, hase yeeshee wali si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Duqeynta ayaa ku soo beegmaysa kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal, kaas oo la sheegay inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaray labada dhinac. Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoo khasaaraha ugu badan uu gaaray dhinaca Al-shabaab.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala baxay degmooyinka Moqokori, Maxaas iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa gaaray duleedka Aadan Yabaal. Ciidamadan ayaa kaabaya kuwa dowladda iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu xoreynayo degmada iyo nawaaxigeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in kooxda Al-shabaab laga saaro Aadan Yabaal, isla markaana la sugo ammaanka guud ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaal xooggan ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday xadka u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku beegsanayaan xarumo kale oo ay Al-shabaab ku leeyihiin aaggaas.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular