Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Dowlada Itoobiya ay duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo u waramayay Telefishanka Qaranka Somaaliyeed, ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ka warqabtay dowladda Somaaliya.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM.