Sunday, March 15, 2026
spot_img
GurigaWararkaMaxkamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ah ku Xukuntay Askari ka tirsanaa NISA

Maxkamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ah ku Xukuntay Askari ka tirsanaa NISA

MUQDISHO, Soomaaliya â€“ Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Maarso, 2026, xukun dil toogasho ah ku ridday Dable Mukhtaar Shakuur Amiin, oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).

Xukunkan ayaa yimid ka dib markii lagu helay askariga inuu si ula kac ah u dilay marxuum Fatxi Cabdullaahi Cabdi. Falkan ayaa dhacay 16-kii Febraayo, 2026, gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sida lagu soo bandhigay maxkamadda, dilka ayaa ka dhashay muran salka ku hayay taleefanka marxuumka oo laga dhacay xilli uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda Duhur.

Dhacdadan ayaa dhalisay masiibo labalaab ah, maadaama uu geeriyooday Cabdullaahi Cabdi Muuse oo ahaa aabaha marxuumka, ka dib markii uu u dhimaday naxdin uu ka qaaday warka ku saabsan dilka wiilkiisa oo ahaa curadkiisii ama guri-dambeyskiisii.

Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskan 3-dii Maarso. Ka dib fadhiyo kala duwan oo ay maxkamaddu dhageysatay markhaatiyo goob-joog ahaa iyo cadaymo kale, ayuu Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ku dhawaaqay xukunka dilka ah oo ah qisaasta marxuum Fatxi Cabdullaahi.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular