Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMaxkamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ku Fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo Dil Toogasho ku Fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Muqdisho, Febraayo 10, 2026: Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukun dil toogasho ah oo horey loogu riday Cabdi C/qaadir Maxamed, oo loo yaqaanay Xuseen Afgarasho, iyo Farxaan Maxamuud Cabdi Nuur Aadan, oo loo yaqaanay Xasan Afgarasho.

Labadan nin ayaa lagu helay dambiyo la xiriira dilka afar muwaadin oo ay ku dileen magaalada Muqdisho, kadib markii maxkamaddu caddeysay in falalkooda ay ahaayeen daadinta dhiig muwaadiniin Soomaaliyeed si sharci darro ah. Maxkamadda ayaa ku xukuntay dil toogasho ah, kaddib marka la dhammeystiray dhammaan habraacyadii sharciga.

Fulinta xukunka ayaa ka dhacday fagaaraha toogashada ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiil ciidan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in fulinta xukunkan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda, isla markaana lagu la dagaallamayo falalka dilalka iyo amni darrada ay geystaan kooxaha Khawaarijta iyo shakhsiyaadka ku lugta leh dambiyada culus.

Mas’uuliyiinta laamaha cadaaladda ayaa xusay in maxkamaddu sii wadi doonto qaadista kiisaska la xiriira dambiyada waaweyn si loo adkeeyo amniga, loona xaqiijiyo isla xisaabtan sharciyeed oo waara.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular