Saturday, March 7, 2026
spot_img
GurigaWararkaMaxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi’isay waarankii soo qabashada Axmed Madoobe

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo baabi’isay waarankii soo qabashada Axmed Madoobe

MUQDISHO — Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u baabi’isay waarankii xarigga ee horay loogu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), sida ku cad go’aan maxkamadeed oo soo baxay Khamiistii, 29-ka Janaayo 2026.

Warqad ka soo baxday xafiiska maxkamadda ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu laalay dhammaan amarradii hore ee la xiriiray soo qabasho iyo horkeenis, kuwaas oo ku xusnaa dacwadda lambarkeeda yahay MGB/DCL/1531/2024. Maxkamaddu waxay tixraacday qodobbada 70/1 B/2, 76, 77 iyo 107/3 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyada oo caddeysay in go’aanka rasmiga ah la gaaray 29 Janaayo 2026.

Maxkamaddu waxay xustay in tallaabadan ay ka tarjumayso ilaalinta xuquuqda sharciga ah iyo waajibaadka ka saaran hay’adaha garsoorka, iyadoo dhammaan habraacyada la xiriira dacwaddan lagu fulinayo si waafaqsan xeerarka dalka. Sidoo kale, maxkamaddu waxay adkaysay in garsoorku u shaqeeyo si madax-bannaan, isla markaana go’aannadiisu ay ku saleysan yihiin sharciga.

Waarankan ayaa markii hore la soo saaray bishii November 2024, kaddib doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Axmed Madoobe mar saddexaad dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn nidaamka doorashooyinka ee dalka.

Go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed iyo wadahadallo lagu doonayo in lagu yareeyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland. Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin saameynta go’aankan ee wada-hadallada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

RELATED ARTICLES

Most Popular