Golaha Khubarada ee Iiraan ayaa u doortay Mojtaba Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee cusub ee dalka, kaddib geeridii aabbihii Ali Khamenei.
Doorashadan ayaa timid kadib markii hoggaamiyihii hore ee Iiraan lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, taas oo lala beegsaday gurigiisa magaalada Tehran intii uu socday dagaalka u dhexeeya dhinacyadaas.
Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa hadda noqonaya qofka haya awoodda ugu sarreysa ee dalka, oo ay ku jiraan talada ciidamada iyo go’aamada waaweyn ee diinta iyo siyaasadda.
Hoggaamiyaha cusub ayaa ku dhashay 7-da Sebtembar 1969 magaalada Mashhad ee waqooyi-bari Iiraan, waxaana uu yahay wiilka labaad ee uu dhalay Ali Khamenei. Wuxuu waxbarashadiisa diineed ku qaatay xarumaha culimada Shiicada ee magaalada Qom, halkaas oo uu ka bartay culuumta fiqiga iyo diinta.
Wararka ayaa sheegaya in Mojtaba uu sidoo kale ka qeyb qaatay dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Ciraaq sanadkii 1986, isagoo markaas jiray 17 sano.
Inkasta oo uusan hore u qaban xil dowladeed oo muuqda, haddana Mojtaba Khamenei waxaa loo arkaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan gudaha nidaamka Iiraan. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).
Sanadkii 2019, Mareykanka ayaa saaray cunaqabateyn Mojtaba Khamenei, isagoo ka mid noqday shaqsiyaad lagu eedeeyay inay door muhiim ah ku leeyihiin maamulka iyo go’aan qaadashada gudaha Iiraan.
Doorashadiisa ayaa imaneysa xilli Iiraan ay wajahayso xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo kacsan, iyadoo colaado iyo xiisado ka taagan yihiin gobolka Bariga Dhexe. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hore uga soo horjeestay in Mojtaba loo doorto hoggaamiyaha sare ee dalka, isagoo sheegay in natiijadaas aan la aqbali karin.

