Tel Aviv — Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Isniintii si kulul u cambaareeyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid aan sharciyad dowladeed haysan isla markaana muujinaysa fashil siyaasadeed.
Lapid, oo ka hadlayay kulan ay yeesheen Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Baarlamaanka Israa’iil (Knesset), ayaa sheegay in go’aanka lagu aqoonsaday Somaliland uusan helin oggolaanshaha Golaha Wasiirrada ama Golaha Amniga Qaranka. “Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay noqotay dalkii ugu horreeyay adduunka ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yiri Lapid. “Laakiin tani ma ahayn go’aan xukuumadeed; wuxuu ahaa go’aan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.”
Netanyahu ayaa Jimcihii, 26-ka December 2025, ku dhawaaqay aqoonsiga Somaliland, kaddib bayaan is-aqoonsi ah oo ay kala saxiixdeen Israa’iil iyo maamulka Somaliland. Lapid ayaa sheegay in tallaabadaasi ay dhalisay cambaarayn caalami ah, gaar ahaan dalal ka tirsan gobolka, isla markaana ay muujinayso maqnaanshaha siyaasad arrimo dibadeed oo mideysan oo Israa’iil leedahay.
Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa si weyn loo dhaliilay, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Masar, Jabuuti, Shiinaha, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalal kale oo Afrikaan iyo Carbeed ah ay ku tilmaameen xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si degdeg ah u diiday go’aankaas, iyadoo ku adkaysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Dhanka kale, Lapid ayaa sidoo kale dhaleeceeyay safarka Netanyahu ee Mareykanka, isagoo sheegay inuu la kulmayo Madaxweyne Donald Trump isagoo aan wadan qorshe cad oo ku saabsan mustaqbalka Gaza. “Marka ra’iisul wasaare Israa’iil uu la kulmo madaxweyne Mareykan ah, waan u rajeyneynaa guul,” ayuu yiri Lapid. “Laakiin marka uusan jirin aragti cad oo Gaza ah, kuwa kale ayaa adiga kuu go’aaminaya.”
Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Trump si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin Iran iyo wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaas oo dhaqan galay 10-kii Oktoobar 2025. Heshiiskaas ayaa joojiyay dagaal socday laba sano oo ay ku dhinteen in ka badan 71,200 oo Falastiiniyiin ah, inta badanna ay ahaayeen haween iyo carruur, halka in ka badan 171,200 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo Oktoobar 2023.

